dhacdo Cajiiba

18/07/2011 11:59

 Lamaane Si’aad ah isku Jeclaa, Misa-na Si’layaab Leh Ku Kala Tagay (Qiso Naxdin Leh

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Soomaaliyadeed oo is-cashaaqay balse si layaab leh ku kala tagay. Hadaba lamaanahaan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mahad iyo Sundus, Sundus ayaa la-soo xiriirtay wariyayaasha barnaamijka Isha Dhacdooyinka Caalamka, iyadoo inooga warantay sidii ay wax u dhaceyn, Sheekaduna waxay ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay degmada Wardhigley ee magaaladda Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1985-kii, waxbarashadayda waxaan kusoo qaatay iskuulka Mujamac Umul Quraa oo ku yiilay degmada Boondheere ee magaaladda Muqdisho. Waxaa mar mar tagi jiray guriga Abtigay oo ku yiilay xaafadda Suuq Bacaad, mar walba oo aan tago xaafadaas waxay indhahaygu qaban jireyn Mahad, Mahad wuxu kamid ahaa dhalinta caanka ka ahaa xaafadaas Suuq Bacaad, runtii aniguna waan ka helay.

Anigoo bishii uun mar mar uun tagi jiray xaafadda Abtigay ee Suuq Bacaad, ayaa waxaa bilaabay isbuuciiba inaan tago halmar ama laba mar. nasiib wanaag maalin maal-maha kamid ah, ayaa waxaa soo dhex maraayay xaafadaha Suuq Bacaad, balse waxaa wadada iga hor yimid Mahad, wuxuu bilaabay inuu iskakay foodeeyo, misa-na igu yiraahdo gabar sidaan u qurxoon lagama helo Suuq Bacaad, ee walaaley maanta wadada miyaa soo qaladay?

Anna waxan ku irri wado maanan soo qaldan ee wadada ii baney. Xaqiiqdii waxay iga aheyd yaa ku baro uun wiilkaan, waxaa iska dhigay qof xanaaqsan (ileen waa suuro dumar’e). wuxuu igu dhahay isdaji waxan ahay walaalkaa oo kale ee barasho wanaagsan magacaygu waa Mahad, anna waxan u sheegay in Sundus la’idhaho, sidii ayaa isku baranay, waxaan siiyay teleefankii guriga inoogu jiray balse guriga Mahad wax teleefan ah kuma jirin. Waxaan ku dhahay adiga lee i soo wac marka aad fursad hesho, sidaasi ayaa ku kala tagnay. Waan deg degsanahay goorma ayuu kusoo wici doonaa ayaa islee-yahay hase yeeshee 2 maal-mood kadib ayuu i soo wacay,

teleefanka hooyaday ayaa ka qabatay hase yeeshee waa uu ka cabsaday, hooyadee ayaa dareentay iguna tiri teleefan baa kuu-kala yaalla, nasiib wanaag waaba Mahad, waa wiilkii aan sugaayey misa-na aan si’aad ah u xiiseenaayay, waan wada sheekeysanahay waa isbaranay, weliba sifiican ayaa isku dhex galnay. Mahad waxaan ku qal qaaliyay in uu soo xirto teleefanka Hormuud (Bakakaat), sidii ayuu yeelay. Sheekadayna meeshii ayay kasii xoogeysatay, waxaa isla gaarnay sheeko tii ugu dheereyd.

Waxaa isku baranay si’aanan inaba caadi aheyn. Waxaa noqday gabar uusan ka dageenin wax aanan Mahad aheyn. 2 sano iyo bar ayaa sidii kuwada shekeysan jirnay. Hooyaday iyo Aabahay wax caruur kale maysan dhalin oo aniga uun bay i daawan jirayn.
Hooyaday waxay ila dooneysay wiil kale oo ay dhashay habar-yartee misa-na ku noolaa dalka Sweden.

Qoyskayga waxay ogaadeen Aniga iyo Mahad inuu naga dhaxeeyo jaceyl welibana aan si’aad ah u jeclahay. Alle wuxuu qadaray maalin maal-maha kamid ah Hooyadey in’ay i yeerto iguna tiraahdo gabar yahay guuxaaga ayaad ka dheereyneysaa ee waxaa kula gudboon inaad maqasho waxa aan ku lee-yahay. Anigoo wax walba og ayaa Hooyo ku dhahay, Hooyo maanta maxaa kuugu dhacay, Hooyo isdaji bal.

Waxay igu tiri aniga dooni maayo wiilka Mahad la-yiraahdo ee aad jaceshahay, markaas baan ku dhahay sabab? Waxay igu jawaabtay “waxaan ku siiyey wiil ay dhashay habar-yartaa Sahra Cali, hadaba waa inaad sidaasi ula socotaa”. Markaas baan ku dhahay Hooyo waxaa tahay waalidkayga, Hooyo Mahad aad baan u jeclahay kamana maarmo ee Hooyo maad iga dhaaftit wiilkaas kale. Waxay igu jawaabtay warkaas iguma socdo.

Anigoo iska ooynaaya ayaa waxaa i soo wacay Mahad, waxaan u sheegay wixii ina dhex maray Aniga iyo Hooyo, ileen waxba kama qarin karo oo aad baan u jeclahay.

Mahad wuxu igu yiri waxba haka cabsan, dad baan ka dhashay, hadaba Odayaal baan soo dirsanaayaa. Sidii ayuu yeelay odayaal buu-soo dirsaday balse waalidkayga ayaa waxay ugu jawaabayn naga raali ahaada, maxaa yeelay gabadha waxaa bixinay mar hore oo qof kale ayaa siinay.

Habeen iyo maalin waan iska ooynaayay waxaan diidaayay inaan niyad jabiyo Hooyaday iyo Aabahay oo ahaa kuwo aniga oo kaliya i dhalay. Mahad waan jeclahay waalidkaygana waan jeclahay, si walbo ayaa sameeyay oo aan ku heli karo Mahad iyo Waalidkayga balse taasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisay. Mahad haddii aan raaco waalidkayga ishooda ayaa igu dhaceyso. Haddii aan waalidkayga raaacana Mahad oo aan adduunka ugu jeclahay ayaa waanaayaa. Walaashey ama Walaalkey oo qisadaan akhrisanaaya haddii ay tanoow kale ay kuugu dhici laheyd maxaad sameyn laheyn?

Xaaladda markii ay meeshaasi mareysay ayaa waxaa go’aan ku gaaray inaan iska qaato hadalkii Hooyo iyo Aabe. Sidii ayaa ku tagay magaaladda caasimadda ah ee Nairobi.

Mahad-na sidaasi ayaa isku weynay, hada waxan la-noolahay wiilkii ay dhashay habar-yartee intaasoo dhan waxana u sameeyay oo kaliya waxaan diidaayay Isha Hooyo Aabe, kuwaasoo aanan dhalin qof aanan aniga aheyn.