haweenka-maseyra-oo-xal-loo-helay-warbixin.

17/07/2011 10:44

 Daraasad Dhawaan la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday laguna xaqiijiyay waxyaabaha keena in xaaskaaga ay kaa xanaaqdo ama ay kaa carooto xili walbo hadaba aqristoow daraasada ayaa waxa laga soo saaray shan qodob oo keena in mar walbo ay kaa xanaaqdo xaaskaga.

1.In aad lumido dareenka xaaskaaga

Luminta dareenka xaaskaaga ayaa la ogaadey in ay timaado marka aad ka soo daahdo xaaskaaga xiliyada qaar waliba habeenkii ogow soo daahitaankaasi ayaa u keena xaaskaga Feker iyo xanaaq hoose oo joogta ah.

2. ka Been Sheegida fulinta rabitaanka xaaskaaga

Ogow tani waxa ay sababtaa in mar walbo xaaskaaga ay dhabana haysi badan soo wajaha xusuusnoow mar walbo in xaaskaaga ay jeceshahay in si dhaqsi ah aad u fuliso amarkeedala.

3. Maseyr

Inta badan maseerka ayaa yimaadaa marka ay xaaskaaga ka shakiso waliba shaki aan la ogayn uu galo shakiga ayaa waxa sababa marka xaaskaga ay kugu aragto haweenay kale adiga oo lahaasaawaya ama la hadlaya,ama u dhoola cadeynaya.

4.Yey kaa maqlin xaaskaga xiliga jiifka dhawaq aysan jeclayn

Waxa kamid ah xiliga jiifka xaaskaga dhawaqyada aysan jecleen hadalada naxariis darada ah oo aad ku dhahdo xaaskaga sidoo kale xaaskaga waxa ay aad u necebtahay Quurada iyo dhawaqyada ka nixinaya oo dumarka inta badan ay jecleen

4. Diidmo joogta ah

Xaaskaga xiliga ay ku weydiisato in ay ku raacdo oo aad ka diido waxa ay kuu qaadaa caro iyo xanaaq xad dhaaf ogowna waxaan ay niyada gashataa in aad necebtahay oo aadan jecleyn ama aadan rabin in ay wadada ku marto.

5.furiinka deg dega ah

Waxa ay xaaskaga kanaxdaa hadalka lama filaanka ah oo ka turjumaya caro aan meel laheen sidoo kale waxa ay xaaskaga ka naxdaa furiinka deg dega ah ogow hadad intaas ka ilaaliso xaakaga waxa ay ku guulaysan kartaa in aad lahaato niyadeyda oo dhan.