Maxay tahay Caqabadda hortaagan Siyaasadda Dalka Soomaaliya?
Hordhaca siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga iftiinsan karaa in uu ku socdo xaalad aad u murugsan oo cabsi iyo uur ku taallo leh, sababtuna ay tahay dagaallada iyo dhiigga qubanaya, gaajada , abaaraha, cudurada ,barakaca, tahriibka, tarxiilka, qaxa iyo qaxootinimada, intaa waxaa sii dheer gulufaha siyaasadeed ee dhexyaala madaxda sare ee DFKMG iyo is aamin darrada ka dhex muuqata nidaamyada dowliga ah ee uu dalku ku dhisan yahay iyadoo uu Baarlamaanku uu hore cod buuxa oo kalsooni ahi uu ugu qaaday in dalka lagu xukumayo Shareecada Islaamka iyadoo horena uu Baarlamaanku u soo dejiyey axdiga KMG ah ee dalka lagu maamulayo, taasoo aysan iska hor imaanayn oo macnaheedu yahay in gobolada dalka aan waxba lagu kordhinayn lagana dhimayn maamulkooduna lagu midaynayo dowladda dhexe ee dalka Soomaaliya. Haddba waxaa is weydiin mudan xagee buu ka yimi qodobkani ah (4.5) four point five, waxaa hubaal ah in qodobkani uu yahay caqabadda siyaasadeed ee shacabka soomaaliyeed hortaagan 21ka sanadood dalkuna uu la degi waayey, barnaamijkani waxaa abuuray saraakiil sare oo ka tirsan IGAD iyo dunida caalamka oo qorshe siyaasadeed ka watay dalka Soomaaliya taasina way u hirgashay, waxaanna ka mid ahaa (a) kala goynta gobolada dalka Soomaaliya oo loo kala jarjaray maamul goboleedyo uu mid waliba Madaxweyne loo sameeyey, (b) qorshihii lagu dhacayey xudduudaha xeebaha dalka Soomaaliya (c) abuurista xoogga mucaaradka diimeed ee aan xadka lahayn (d) keenista ciidamada shisheeye oo wax u dhimaya dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo horeyba u burbursanaa iyo iyagoo xasuuqna sii gaysanaya habeen iyo maalinba (e) Burcadbadeeda oo naftooda oo keliya u adeegta dal iyo dadna aan u danaynayn intaa iyo in ka badani ayaa waxay caqabad ku yihiin horumarka siyaasadda dalka Soomaaliya oo aad u cakiran. Siyaasadda dalku waxay ku socotaa jahawareer aan jid lahayn, is fahmi la'aan aad u weyn oo mar waliba soo kala dhexgalaysa madaxda ugu saraysa dalka taasi oo macnaheedu yahay in aysan jirin wax kala dambayn ah iyo isu tanaasulid waxaysan dib u eegayn dhaartii ay mareen iyo dhibaatada baaxadda weyn ee haysata shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay maanta dunida qaxooti kaga yihiin, madaxda sare ee dalku miyey iloobeen ballantii ay qaadeen inay shacabka badbaadinayaan waa kuwan Ciidamo shisheeye u doonanaya oo ku xasuuqaya magaalooyinka waaweyn oo ay Muqdisho ka mid tahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo gaajaysan oo barakacsan oo cabsi weyni ay haysato iyagoo ku sugan dhulkoodii hooyo in lagu gumaysto waa arrin tiiraanyo leh oo taariikhda ma guuraanka ah ee dalka Soomaaliya baal mugdi aha kaga qoran. Baarlamaanka FKMG ahi ee Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in uu mar waliba u kala jabayo labada qaybood oo kala raacaya madaxda sare ee khilaafka siyaasadeed uu u dhexeeyo taasina waxay abuuraysaa in uu cirka isku sii shareero "khilaafka siyaasadeed ee booc ku kutubka"ahi, dowlad walbaa oo la soo dhisana aysan waxba qaban karin waqtigeediina uu ku dhammaanayo khilaaf iyo muran siyaasadeed, taasoo inta badani salka ku haysa dano gaar ahaaneed , arrimo dhaqaale, dowlado shisheeye danahood iyo awood qabiileed oo si dadban loo adeegsanayo, tan iyo intii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya 1991kii weli lama hayo dowlad ku guulaysatay inay dalka nidaamkii iyo kala dambayntii uu dalka lahaan jiray ku soo celiso, taasina waxaa ugu wacan murunka iyo caqabadaha siyaasadeed ee mar waliba horyaala madaxda dalka. Dagaalladu wax guul ahi miyaa laga sugayaa? su'aashani jawaabteedu qof waliba oo caqli lihi waa uu garan karayaa dagaal guul ma laha, dhiigga qubanaya 20 ka sanadood waa caqli darro maallin waliba waxaad maqlaysaa 120 ruux oo rayd ahi ayaa dhimatay 300 rayd ahina waa dhaawac intaa waa dad Soomaaliyeed muxuu walaalkii u dilayaa waa khilaaf siyaasadeed ama awood iyo kursi doon, waxaa dagaalka ka wanaagsan in lagu bedelo wada hadal iyo is faham siyaasadeed oo dhammaan dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeedaa ay ku heshiiyaan xabbad joojin deg deg ah si loo badbaadiyo dhiigga dadka raydka ahi ee qubanaya iyo weliba iyagoo la xasuuqayo maallin walba. Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd maxay tahay caqabadda hortaagan siyaasadda dalka Soomaaliya? ayaa waxaan ku soo koobaya dagaallada aan joogsiga lahayn ee Dalka ka jira, khilaafka siyaasadeed iyo awood qaybsiga ee madaxda sare ee dalka ayaa ah arimaha ugu waaweyn ee lagu tilmaami karo inay caqabad ku yihiin siyaasadda Dalka Soomaaliya, waxaanna lagama maarmaan ah in miiska wada hadalada lagu laabto si loo dhamaystiro dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya oo noqotay ma dhammaato dhinacyada isku haya siyaasaddana ay la yimaadaan tanaasul iyo is faham haddii intaa la waayana waxaa hubaal ah in dagaallada iyo colaaduhu ay ku fidayaan dhammaan gobolada dalka oo dhan oo hadda qaarkood ay waxoogaa nabad ahi ay ka jirto, xalku waa u noqoshada Kitaabka alle ee xalku ma aha qodobka IGADee (4.5)four point five. Faalladani waxaan ku lifaaqayaa codsi xabsi ka siiddayn deg-deg ah oo si toos ahi ugu socda dhammaan madaxda sare ee DFKMG ah iyo madaxda mucaaradka ee Soomaaliya dagaalladani ayaa waxay abuureen in dad fara badani ay u kala xiran yihiin labada dhinac ama dad fara badani loo hasyto si aan sharci ahayn oo aan Maxkamad la horkeenin muddo imminka ka badan 2-sanadood iyadoo ay inagu soo beegan tahay ciidda weyn ee "Ciidul Adhxa"waxaan codsanaynaa in dadkaa Soomaaliyeed Xabsiyada laga siidaayo xoriyadoodiina loo soo celiyo, si iyagoo faraxsan ay ula ciidaan eheladoodii ay is mooganaayeen muddooyin aad u dheer, sidoo kale waxaannu codsanaynaa in la siidaayo dhammaan la haystayaasha ajaanibka ah ee Soomaaliya lagu haysto si loo daryeelo xuquuqda Aadanaha iyagoo amni ahna waddamadoodii loogu celiyo sida ay Diinteena muqadaska ahi.