Saraaakiisha amniga Puntlnad oo ka warbixiyey hub ay ku qabteen koontroolka magaalada Garowe ee gobolka Nugaal

30/06/2011 03:27

 Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa ka warbixiyey shixnad hub ah oo shalay gelinkii dambe ay gacanta ku dhigeen kaasoo la doonayey in geliyo gudaha magaalada Garowe oo xarun u ah maamulka Puntland.

Saciid Aadan San-dheere oo ah taliyaha ciidamada Puntland ee Degmada Burtinle oo shir jaraa'id ku qabtay Degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in hubka ay qabteen oo u badan mid fudud ay ku jiraan 29 qori oo ah nooca AK-47, waxaana saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in sidoo kale ay gacanta hayaan gaarigii hubkaasi uu ku rarnaa.

“Hubkan waxaa uu ka yimid dhinaca magaalada boosaaso, waxaana loo waday magaalada Garowe, waxaana gacanta ku heynaa gaarigii lagu waday iyo nimankii watay intaba waana xiran yihiin baaritaan ayaana ku socda ku saabsan halka loo waday iyo halka uu ka yimid iyo cida iska laheyd” Saciid Aadan San-dheere oo ah taliyaha ciidamada Puntland ee Degmada Burtinle.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada amaanka Puntland ay hub badan oo intaa le’eg qabtaan waxaana qabashada hubkani ay ku soo beegmeysaa xili deegaanada Puntland meelo ka mid ah ay ka jiree mudooyinkii u dambeeyey falal amaan daro oo lagu qaarajiyey askar, saraakiil, masuuliyiin, nabadoono, iyo ganacsato reer Puntland ah.