Wadanka Giriiga oo isla Qiiqay iyo Dalalka Midawga Yurub oo ka qeeyliyey Musumaasuqa dalka Giriiga (Halkaan ka Daawo Dagaal Saf balaan ah oo u dhexeeya Shacabka dalka & Ciidamada Amniga).

30/06/2011 03:26

 Xaalada dalka Giriiga ayaa gaartay heerkii ugu xumeed ebid ka dib Dhaqaalo xumadii iyo Fadeexadii qabsaday Daawlada dalkaas.

Fadeexadaan ayaa wexeey tahay waxa loo yaqaan dadka Duqoobay ama goor hore Geeriyooday oo Lacagihii eey xaqa u lahaayeen Xiliyadii eey shaqeen jireen oo dad kale eey ilaa iyo hada u soo dhacdo ama ku qaataan in dadkaas eey weli nool yihiin taas oo loo macneeystay in uu dalka Giriiga aad ugu liito xaga Kaar Koontaroolka Xarumaha hoose ee Daawlada.

Isbuucii la soo dhaafay ayeey eheed Markii u qoray Jaraidka Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka Wiil Hooyadiis oo mudo 12 sano ka hor geeriyootay kaarkeedii uu Lacag ku qaadan jiray bil kasta waana arin eey aad ula yaabeen dalalka ku bahoobay Midawga Yurub oo dhanka Koontaroolka Kaararka aad ugu wanaagsan weliba si weeyn ula socda cidii nool iyo kii dhintayba.

Ugu dambeentii Baarlamaanka dalka Giriiga ayaa waxa uu ansixiyey Caawinaadii Lacagtii 2-aad ee uga timid dalalka Midawga Yurub waxaana dhanka kale xiran inta badan Xarumaha Dawlada oo Dab la qabadsiiyey wexeeyna Telefishinada Caalamka ku tilmaameen arinta ka taagan dalka Giriiga mid u dhiganta sidii Dagaal Sokeeye.
Giriiga waxaa markii 2-aad Lacag aad u tiro badan oo Biliyaarden Euro lagu sheegay ugu deeqay Dalalka Midawga Yurub si looga hor tago Dhaqaalo xumada iyo Sicir bararka dalkaas ka dilaacay oo sababay in Hay´adihii Daawliga ahaa ee dawlada hoose Mushaarkoodii la lunsaday.

Inta badan Wadamada Midawga Yurub oo aan jecleeyn Dhibka badan iyo Lunsashada Lagacaha Caanshuurta ayaa wexeey ka deeyriyeen in markii 3-aad eey macquul tahay in dalka Giriiga uu Lacag Caawinaad ah uga baahdo Wadamada ku mideeysan Midawga Yurub.


Jaraaidyada ugu caansan Wadamada ugu Tunka weeyn Midawga Yurub sida dalalka Faransiiska, Jarmalka, Holland, Spain ,Talyaaniga ,Austria, Beljemka iyo Finland wexeey qoreen Masiibo iyo fadeexo ka taagan dalka Giriiga oo aan laga aqoon haba yaraatee wadamada kale ee Midawga Yurub.