YAA DARAN.
04/07/2011 14:49
Nin ayaa wuxuu u tagay dhaqtar wuxuuna ka codsaday inuu raaci si u wax uga qabto xaaskiisa oo xanuusan, isagoo sidoo kale u sheegay dhaqtarka in xaaskiisu waalan tahay. Dhaqtarkii ayaa ku yiri " sideed ku ogtahay inay xaaskaagu waalan tahay?" Ninkii ayaa yiri " waxay doonaysaa inay soo iibsato neef ari ah " Shaqtarkii oo yaaban ayaa yiri " oo maxaa ku jaban haddey soo iibsato"
Nikii aad ayuu uga xanaaqay hadalka dhaqtarka wuxuuna u qaatay in dhaqtarku ku jeesjeesayo, wuxuu yiri " waxay doonaysaa inay ku xanaanayso qolka jiifka" Dhaqtarkii ayaa isna yiri " iska dhaaf ha ku xanaanaysee" Ninkii ayaa yiri "hawada qolka ayaa xumaanaysa" Dhaqtarkii ayaa yiri " daaqadaha iska fur" Ninkii ayaa ugu jawaabay 2 waxaan ka baqayaa inay qoolaydu iga baxsato" Dhaqtarkii ayaa yiri " xaggey ka imanaysaa qoolayda aad sheegaysaa?" Ninkii ayaa yiri "sariirta hoosteeda ayay ku jirtaa, oo aan mudaba ku barbaarinayay"! Dhaqtarkii ayaa yiri " Hadaba labadiina yaa daran".