Jacayl qoto dheeraa oo haabeenkii aqal galka dhoof dhuumaalysi ah ku dhamaaday

Jacayl qoto dheeraa oo haabeenkii aqal galka dhoof dhuumaalysi ah ku dhamaaday

 Wiil magaciisa noogu soo koobay Axmed oo jooga nairobi ayaa  nala soo xariiray oo noo sheegay inay soo wajahday murugo tii ugu xumayd,markii haweenay uu muddo ka baddan 5-sano ah ay Jacayl wada wadeen habeenkoodii aqal gal si dhuumasho ah uga dhooftay.

Axmed ayaa tilmaamay in habaynkaas ay u ahayd habayn farxadeed oo si wanaagsan u dhacay arooska isla markaana uu ka fakarayay inay isaga iyo gacalisadiisu ay garaaci rabeen albaabkii ay mataana ku daadaheeyeen,nasiib xumo-se aysan suurta gal noqon.

Axmed ayaa yiri” Waxaan in muddo ah soo wada jilno Jacaylka Habaynkii ugu horeeysay ee an rabnay inaan ubax beerno oo an aqal galno,ayay markii xafladii farxadda kuu dheehnayd ee aroos-ka la soo gaba gabeeyay waayay qoftii an dumaroo dhan ka soo xusheay oo intii xafladuu socotay dhinacayga middig fadhisay”.
Waxaa uu inoo sheegay Axmed inay baaritaan ugu dhaqaaqeen isaga iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa kaas oo ay ku baadi goobayaan xaaskiisa xalaasha ah waa sida uu hadalka u dhigayay,ay ku guul daraysteen inay helaan habaynkaas.

Baadi goob-ka oo aysan ka marnayn taleefoon wicid ayaa waxaa uu sheegay in Subixii aroortii hore la soo ogaysiiyay in Xaaskiisa ay dhooftay oo ay aaday dalka Holland halkaas oo nin Ehelkeedu ku dareen howl dhoofid oo muddo uu u waday habaynksaa u soo dhamaaday oo diyaaradda loo soo dhajiyay.

Axmed ayaa sheegay inaysan macquul ahayn inay gabadhaas sidaas ula dhaqanto oo runtii kalsooni buuxda ay isku hayeen hadayse taasi dhab noqoto uu ka fiirsan doono waxa uu ugu yeeray Jacayl iyo Dumar.

Waxaa ka mid ah hadaladiisa”Dumar Taan Ka Caashaqay Duunyay Iga Raacdee Madaayaa Jacalooy Dib Ma uga Haraa Dumar Iyo Jacayl,iyo erayo kalayto oo xilligaas afkiisa ka soo burqanayay.

Sikastaba ha ahaatee arrintaan ayaa waxaa ay abuurtay shaki xoogan oo soo kala dhex galay Ragga iyo Dumar-ka Jacaylka wadda wada ee ku nool magaalada Nairobi gaar ahaana xaafadda Islii ee Soomaalidu u baddanyihiin.