Qisadii Nabi Yuusuf (CS) Qaybtii 1 aad

 Qisadii Nabi Yuusuf (CS)  Qaybtii 1 aad

Intayna anan  bilaabin qisada Nabi Yuusuf (CS) waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (CS) laakiin nebi yuusuf (CS) qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala  qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda “Anagu waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu  soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan”(waxa looga jeeda Nabi maxamed (SCW)  

Culimada islaamku waxay isku khilaafeen maxaa loogu bixiyay qisadan, qisada ugu wanaagsan? Waxa la yidhi waxay kali la noqotay qisada qudha oo nebi laga sheekeyo quraanka dhexdiisa, sidoo kale waxa la yidhi Nabi yuusuf waxa uu kaga gudbay walaaladii samir iyo dulqaad waana iska dhaafay waxa kaloo oo la yidhi waxa ku jira suuradan xusitaankii Nabiyadii wanaagsanaa iyo dulqaadkoodi, nin madax ah  iyo cidii uu xukumayay  waxa kale oo ku xusan suurdan

rag iyo shirqool dumar, waxa ku dhex jira sheekitaanka towxiidka iyo fiqiga cabiritaanka riyooyinka iyo fasilidooda  

Hadaba qisadan Nabi Yuusuf (CS) waxay na tusaysaa dhibta iyo hawsha loo soo marayo dacwada illaahay iyo in la yeesho ku samirkeeda, arinka illaahayna waxa hor joogsan karaana ma jiro.  

Hadaba qisada Nabi Yuusuf waa qiso ina tusaysa murugo iyo dhib. Waxaananu halkan kusoo gudbin doonaa  qisadii Nabi Yuusuf qaybtii ugu horaysay aanu bilaamno, “Illaahay waxa uu yidhi koreeye xus nabi maxamedow goortuu yuusuf ku yidhi aabihii, aabay waxan arkay 11 meere cad ceeda iyo dayaxa waxa aan arkay iyagoo ii sujuudsan”  

Ilmahan yari waxa uu aabihii uga waramayaa riyooyin la tusay Nabi Yacquubna (CS) waxa uu gartay Nabi Yacquubna (CS) in ay riyadaasi ku jirto arin wayn oo aan ilma yari ku riyoon Karin, ilmahaa yara sidoo kale kumana riyoon karo isagoo ku ciyaaraya mid ka mid ah meerayasha aduunka siday doonta ha ahaatee.  

Nabi yacquub (CS) waxa uu kolkiiba is dareensiyay inanun inankiisa yari uga sheekeen walaaladiisa kale si aanu shaydaanku uga dhex faa’iidaysan walaalkooga yar .

Waxa uu yidhi Nabi Yacquub (CS) “Inankaygiyow ha uga sheekeen riyadaada walaaladaa way ku shirqooli doonan shirqool, shaydaankuna dadka waa u cadow”  

Waxa uu dareemay Nabi Yacquub (CS) oo ahaa ina isaxaaq ina ibraahim in ay arintaani ku xidhiidhsan tahay diin iyo wanaag in ay halkaasina ku dhex jirto wanaag tusaal u tahay isku xidhkii barakaysnaa ee Anbiyada ka tafiirneed nabi ibrahim (CS) “Sidaa ayuu rabigaa ku doortay waxana wuu ku baray fasilaada riyooyinka” taa macnaheedu waxa weeyi rabigaa ayaa ku doortay oo xumaana kaa dheerayay macnaha tafsiirku waxa weeye garashada maalka, (aqoonta xaga dhaqaala ah) iyo garashada natiijooyinka, ogaanshaha siraha.

Nabi Yuusuf (CS) aabihii waxa uu dhagaystay wuxuu inankiisu ku riyooday waxana uu ka digay in aanan uga sheekeen walaaladii yuusufna wuu ka aqbalay taladaa, laakiin waxa xoogaystay cadhadii iyo karahii ay u qabeen walaaladii, waxana uu la kulmay Nabi Yuusuf (CS) walaaladii iyagoo ka sheekaysanaya arinkaa.  

Ilaahay waxa uu yidhi koreeye “Dhab ahaantii waxa ahayd yuusuf iyo walaaladii ayad dadka wax su’aala, goortay yidhaadeen yuusuf iyo walaalkeen  aabaheen ayaa inaga jecel inaguna koox ayaynu nahay, aabeheena waxa uu ku sugan yahay baadi cad, dila yuusuf ama dhul inagaga tuura si uu nooga baneeyo wajiga aabaheen dabadeena aynu noqono umad wanaagsan, (9) mid ka mid ah ayaa yidhi yuusuf ha dilina aanu ku ridno ceel guntii si ay u qaataan dad socdaal ah hadii aad wax uun samaynaysaan”.  

Siday sheegayaan kutubtii hore waxay tilmaamaan in yuusuf uga waramay qisadaas walaaladii, laakiin quraanka kariimka ah meelna Ilaahay kagamuu sheegi inay sidaasi dhacday, hadii ay dhici lahaydne illaahay wuu noogu sheegi laha quraanka kariimka ah, hasa yeeshe waxa doonayeen inay dilaan u cadhadii ay u qabeen in ay dilaan darted.  

laakiin inagu waxaynu ku kaaftoomi doona quraanka karimka ah, Nabi yuusuf  walaaladood waxay yidhaadeen anagoo koox dhan ah oo leh tamar iyo xoog ayuu abeheen inaga door biday wiilkii yaraa, aabaheena waa oday gafsan isla markaas mid ka mid ah ayaa hadana soo jeediyay Yuusuf in la dilo si ay aabahood kali ugu noqdaan, xaasinimadaa iyo cadhadaasi waa tu shaydaanku qalbigooga ku waynayay ilaa ay door bideen in ay yuusuf dilaan ama ay dhulka ka fogeeyaan, waxayna yidhaadeen wado sadexaad ma hayno.  

Hadaba waxaas oo dhan maxay u samaynayaan? Si aanu u arag aabihii una ilaawo dabadeedna inaga uu na jeclaado dabadeedna ay ka tooban keenan dambigii ay galeen.Mid ka mid ah ayuu qabtay dareenkii walaaltinimada wuxuuna door biday in ceel lagu rido si ay dad socoti ihi ay u qaataan, fikradaas dilka ahna  way ku kala qaybsameen, dhamaan waxay isla ogalaadeen in ay ceel ku ridaan.

 

Goobtii sadexaad

 

Dabadeena waxay aabahood ka dooneen in uu u ogalaado si u raaco, illaahay isagoo taa ka waramaya waxa uu yidhi “Waxayna yidhaadeen aabooy maxaad noogu aamin la’dahay yuusuf anagoo u ah wanaag falayaal (11) anaga na raaci beritoole ha iska soo qadhaabsado ha iskana soo ciyaaro anaguna waan ilaalinaynaa, (12) waxa ii muriga gelinaysa in aad isgaga tagtaan waxana ka baqayaa inuu cuno yayga idinka oo moogan (13) waxay yidhaadeen hadii uu cuno yayga anagoo koox ah hadaba dhab ahaantii anagaa waanu qasaarnay waxa dhex maray dood inamadii iyo aabahood si u raaci lahaa yuusuf, waxayna ay cabireen erayo dereen ku jiro (aabooy maxaad yuusuf noogu aamin la dahay)

 

 

Yuusuf waa walaalkayo anagaa ilaalinayna ha ka baqanin in ay wax soo gaadhaan, anagu waan jecel nahay walaalkay waanu waanin waanu ciyaarsiin doona, aabooy maxaad noo raacin la dahay ha iska ciyaare ha iskana qadhaabsadee isaga waxa u fiican ciyaarta iyo bixitaanka maadamo uu ilma yar yahay, aabo bal eeg wajigiisa waxa uu ka murugaysan yahay joogitaanka guriga inanka yari maba helo wax ciyaar ah, laakiin aabahood wuu ka diiday si aan toos ahayn isagoo muujinaya cudur daar, wuxuuna sheegay in aanu jecleen inuu yuusuf ka ag fogaado isagoo ka baqaya inuu cuno yaygu waxana uu yidhi aabooy waxa muruga I gelinaya in aad ka tagtaan yaygune cuno idinkoo ciyaar ku mashquulsan, waxay ugu jawaabeen aabahood aabooy anagoo 10 nin ah suura gel maaha inuu cuno waraabe iyagoo aabohood u muujinaya been waxay aabahood saareen cadaadis faro badan si u raaco yuusuf, si una rumoobo qadarka illaahay, waanu ogalaaday aabahood in yuusuf raaco.

 

WAA GOOBTII AFRAAD

 

Markay la tageen  oo ay dooneen in ay ceelkii ku dhex ridaan wuxuu illaahay u waxyooday Nabi Yacquub (CS) isagoo uga waramaya waxay sameeyeen inamadiisi laakiin inamadiisu may dareen sanayn, waxay door bideen yuusuf walaaladiin in ay ku ridan ceel aanay socotadu ka kala go’in si diina way sameeyeen, ilaahayna Nabi Yacquub (CS) ayuu u sheegay inuu inankisi ka badbaaday ceelkii lana kulmi doono maalin kale ugana warami doona qisadan iyo waxay walaaladii ay ku sameeyen. 

 

LASOCOCO