Qisadii Nabiyulahi Yuusuf Qaybtii 2 AAD........

Qisadii Nabiyulahi Yuusuf Qaybtii 2 AAD........

 Goobtii Labaad

Isla halkan waxa uga bilaabi doona is badal, is badalkaas oo noqon doona ka
tagid dhibaatadii adkayd isagoo u gudbaya imtixaanka barwaaqada, waxa kaloo uu
ka tagayaa imtixaankii adoonimad isagoo noqon doona boqor haya saldanada kuna
dhex jira guriga dadka laga maamulo isagoo fadhiisan doona halkii boqorku
fadhiisan jiray.
Hadaba waxa uu boqorkii uu ugu sheekeyay dadka talada ugu soo dhow in uu arkay
riyo sidaa daradee uu doonayo cid u fasisha riyadaa, isagoo illaahay (SW) taa
inooga waramaya waxa uu yidhi “Boqorkii ayaa yidhi waxa aan arkay totoba sac oo
buur buuran oo cunaya totoba sac oo wayd ah iyo totoba xasiid ah oo cagaaran
iyo totoba xasiid oo engagan, madax yahay iiga warama riyadaydaa hadii aad
tihiin kuwa riyooyinka wax ka sheega” la taliyaashi iyo faaliyaashi way awoodi
kari wayeen in ay fasiraan waxana laga yaaba in ay garan waayeen fasiraada
riyadaa ama waxay is tuseen in ay tahay riyo xun waxayna ka baqeen in ay u
fasiraan boqorka waxana ay dooneen in ay u fasirto cid aan ahayn cida talada
haysa waxayna yidhaadeen waa riyo isku dhex jirta badhba badhka kale ayuu ku
dhex qasan yahay suura galna maaha in la fasiro.
Waa Goobtii Sadexaad
Waxa uu gaadhay warkii ninkii boqorka khamriga waraabinayay kaas oo ka
badbaaday jeelkii waxana looga sheekeyay riyadii boqorka waxana uu xasuustay
riyadii jeelka ku soo dhex martay isaga iyo ninkii kale, waxanu xasuustay Nabi
Yuusuf (CS) waxana uu u dagdagay dhinacii boqorka isagoo uga waramaya Nabi
Yuusuf (CS) in uu yahay ka kaliya ee kari kara fasiraada riyadaa waxana uu
yidhi Nabi Yuusuf (CS) waxa uu igula soo dardaarmay in aan ku sheego laakiin
waan ilaabay, boqorkiina waxa uu u diray Nabi Yuusuf (CS) jeelkii uu ku jiray
bal si uu Nabi Yuusuf (CS) arintaa u soo waydiyo Illaahaybaana inoocadaynaya
(SW) sida uu ninkaasi warka uga qaaday boqorka una gaarsiyay Nabi Yuusuf (CS),
ninkaasi Nabi Yuusuf (CS) waxa uu ku tilmaamay run badane taasina waa wax uu
hore u soo tijaabiyay “Yuusufow runbadanow bal nooga waran totobada sac ee shil
shilis ee cunaya totobada sac ee wayda ah, totoba xasiid cagaaran iyo totoba
xasiid oo qalalan, waxa laga yaaba in aan dadkii
kula noqdo si ay u ogaadaan” waxa la waydiyay yuusuf tafsiirkii riyadii
boqorka shardina loogama dhigin ka bixintaanka jeelka fasiraadi riyadaas,
hadalka yuusuf muu hayn wax la tawiilinayo waxa uu ahaa waano lagaga hortagayo
dhitaadooyin soo socda isagoo fasiraya Nabi Yuusuf (CS) riyadaa illaahayna
nooga waramayo waxa uu yidhi “Waxa uu yidhi waxa beeraysaan totobo sano waxad
goostaan kaga taga naasaha xasiidooda inta yar ee aad cunaysaan mooyaane (47)
waxa iman doona intaa ka dib totobo sano oo adadag waxana aad cuni doontaan
wixii aad hore u soo hormarsateen in yar oo wanaajisateen mooyane intaa ka
dibna waxa iman doona sanad dadka la waraabin doono waxna miiran doonaan” Nabi
Yuusuf (CS) waxa uu uga waramay ninkii jeelka ugu yimi in ay masar totoba 
sanadood ay noqon doontoo meel aad u rooban dadka reer masarna aanayn nimcadaa 
illaahay ka faa’iidaystaan waxana ka danbeeya Totoba Sanadood oo abaar ah oo ay 
cuni doonaan Totobadii sano ee hore waxay ay beerteen
sidoo kale Nabi Yuusuf (CS) waxa uu tala ku siiyay in fadli badan tahay in ay
kayd sadaan raashinka totobadaa sano u soo go’aya sidoo kale xasiidana ay kaga
tagaan dahaadhkeeda inta ay cunayaan mooyaane si aanay uga xumaan anba aan u
gelin cayayaan si ay u badbaado sidaas ayaanu ugu dhameeyay boqorkii riyadiisi
kuna fasiray, waxa kaloo uu Nabi Yuusuf (CS) ugu daray sanad aanu ku riyoon
boqorkii Sanad barwaaqa ah dadkana la waraabin doono Sarac iyo biyo lagu
waraabin doono midhahoodan ay ka shiidi doonaan khamri sidoo kale uu u bixi
doono sanadkaasi samsam iyo Saytuun kuna shiidi doonaan saliid, sanadkani kumii
jirin riyadii boqorka waa aqoon gaar ah oo la siiyay Nabi Yuusuf (CS) waana
bushaaro uu ninki boqorka khamriga u walaaqayay una geeyay boqorkii iyo dadkii.
Goobtii Afraad
Ninkii waxa uu u tagay boqorkii waxana uu uga waramay wixii uu ku yidhi Nabi
Yuusuf (CS) boqorkiina wuu yaabay yaabid daran waxana uu yidhi waa maxay qofkan
xidhan? Waxana uu og yahay waxa dhici doona waxana uu samaynayaa wixii lagaga
hortagi lahaa isagoo dooneen in loogu badalo wax abaal marin ah isagoon
shardina ka dhigan in jeelka laga saaro “Boqorkii waxa uu yidhi ii keena,
markii uu u keenay ninkii uu diray waxa uu yidhi illaahaga u noqo, waxana u
waydiyay maxay ahaayeen dumarkii arinkoogu kuwii gacmahooga jarjaray illaahay
aygaa og shirqoolkoogi” hadii aanu fasirno aayadan boqorkii waxa uu soo saaray
ogaan ah in laga soo saaro jeelka loonaguna keeno sida ugu dhakhsaha badan
garana mayno in ninkan loo diray yahay kii markii hore loo diray iyo in uu
yahay shaqsi ka darajo sareeya oo u qaabilsan boqorka arimahan waxana uu ugu
tagay yuusuf jeelkii isagoo doonaya in uu la kulmo boqorka waxana uu u doonay
si dhakhsa ah laakiin yuusuf taa uu diiday waxana uu
sheegay in aanu jeelka ka baxayn ilaa inta ay ka cadaanayso arinkii gabadhu,
maxaa yeelay Nabi Yuusuf (CS) waxa rabeeyay Illaahay (SW) adabtiisana toosiyay
waxay akhlaaqdu iyo edabtu degtay qalbigiisa sidoo kale illaahay waxa uu ku
xoojiyay Nabi Yuusuf (CS) Daganaan, Kalsooni iyo Xasilnaan, taasina waxay nooga
dhex muuqanaysaa arinkii uu u sheegay wiilkii yaraa ay ku wada jireen jeelka ee
uu ku yidhi Ninka aad khamriga aad u samayn doontid ii sheeg iyo arinkii kale
ee ahaa dumarki gacmaha is jarjaray iyo sababtii ay isku jarjareen gacmaha.
Waa goobtii shanaad
Quraanku inoogamuu waramin wixii dhex maray boqorki iyo ninki Nabi Yuusuf
(CS) u diray laakiin quraanku waxa uu na hor joojiyay iyadoo maxkamad la
saarayo lana waydiinayo dumarkii iyo wixii ay Yuusuf ku sameyeen “Waxa uu yidhi
muxuu ahaa arinkiinu markaad yuusuf naftiisa aad jeclaateen” Boqorkii waxa uu
waydiyay sheekadii si ay u cadaato arinkeedu inta aan la xaqiijin duruufaheeda
aanu bilaamin dacwadeedu, dumarkii waxay ay qirteen xaqiiqdii waxayna
yidhaadeen “Illaahay baa xumaan ka nasahane kuma ogin wax xumaan ah”
Gabadhii Nabi Yuusuf (CS) jeclaatay way ilowday sheekadaa imika laakiin waxay
ay guda gashay in ay dib u xasuusato waxayna ay jeclaatay in ay u sheegto wax
walba si dhab ah, “Waxay tiri gabadhii boqorku imika ayuu xaqii cadaaday anaa
jeclaaday naftiisa isaguna waxa uu ahaa kuwa runta sheegaya (51) taana waxa aan
u sameyay maan ahayn qof khiyaamaynaya waxa soo socda illaahayna ma hanuuniyo
shirqoolka khaayimiinta” Ayadaan quraanku waxay inoo cadaynaysaa in ay gabadhii
boqorku qiratay arinkii iyadoo ku cabiraysa erayo iyo dareemo xeel dheer
khaladkoo oo dhana dhakada iska saaraysa wanaaga iyo runta Nabi Yuusuf (CS) ku
sheegaysaa iyadoo sidaa u sheegaysaa kuna jirin wax cabsi ihi ama waxa kaloo
lagu tilmaami karo manay doonayn in ay sii socoto yaraysiga ay yaraysanaysay
Nabi Yuusuf (CS) laakiin waxa ay doonaysay in ay saxdo figradiisa, sidoo kale
waxa halkan ka arkeena dareen kale oo wanaagsan “Naftayda ma wanaajin karo
naftu dadka waxay amartaa xumaanta cida uu
illaahay u naxariisto mooye illaahay waa ka danbi dhaafka badanleh naxariista
badan leh” bal u fiirso ayaadahan
Gabadhii boqorku waxay u wareegtay diinti Nabi Yuusuf (CS) waxana u wareegtay
towxiidkii illaahay, xidhitaankii Nabi Yuusuf (CS) iyo ka soo saarintaankiisi
jeelka waxay keentay in ay gabadhaasi ku rumayso illaahay, waxana boqorkii ka
soo baxay go aan ah in la siidayo Nabi Yuusuf (CS) loona keeno.
Qisadan door wayn waxa ka qaatay sheekooyin badan oo israa’iliyaad ah laakiin
inagu waxanu ku kaaftoomi doona quraanka kariimka ah iyo axaadistii Rasuulka
(CSW) waxana halkan inooga bilaami doona qayb cusub oo ka mid ah qayba noloshii
Nabi Yuusuf (CS) “Boqorkii waxa uu yidhi ii keena si uu nafteeda u noqdo mid u
gaar ah markii uu la hadlay waxa uu ku yidhi adigu waxa ad tahay kuwa aaminka
ah ee la nabad geliyo (54) waxa uu yidhi iga yeel furayaasha dhulka anigu waan
ilaalin cilmina waan u leeyahay (55) sidaas ayaan yuusuf u suura gelinay in uu
hantiyo dhulka meesha uu doonana uu ka degi karo waxana siini naxariistayada
cida aanu doono, dadka wanaagsana ajarkooga ma lumino (56) ajarka aakhiro ayaa
ka khayr badan kuwii illaahay rumeyay kana cabsanayay”
In tuu arkay boqorkii arinkii Nabi Yuusuf (CS) ka dib iyo sidii uu beri uga
noqday iyo aqoontiisa dheer, waxa uu ogaaday boqorkii in uu yahay hagaamiye
sharaf leh laakiin Nabi Yuusuf (CS) kamuu doonin boqorkii in uu u mahadnaqo ma
uu amaano laakiin boqorkii waxa uu Nabi Yuusuf (CS) ka dhigtay lataliyihiisa,
markii uu Nabi Yuusuf (CS) la fadhiisatay boqorkii ee wada hadleyn waxa
boqorkii u rumowday runta nabi yuusuf iyo waxa uu u sheegayo dabadeena waxa uu
ogaaday boqorkii in uu ninkani yahay nin darajo aad u saraysa leh iyo amaano
badan, Nabi Yuusuf (CS) muu noqon sidii lataliyaashiishi hore ee ahayd noolow
taliyahaygiyow adigu waxa aad tahay madaxwayne la adeeco sida had iyo jeer loo
sameeyo madaxwaynayaasha xadgudubsan, laakiin Nabi Yuusuf (CS) waxa uu door
biday in uu umada kaga saaro dhibta soo socota aqoon iyo xigmad taas oo
illaahay ku ilhaminayow.
Sida ka sugnaatay tafsiirka Qurdubi waxa uu yidhi Boqorkii hadii reer masar
oo dhami isku iman lahayeen may kareen arinkan …awoodna umay yeesheen ay aamin
kaga noqon lahayeen abaartii jirtay, dabadeed markii uu ogaaday boqorkii
goaanka Nabi Yuusuf (CS) waxa uu goostay boqorkii in uu talada u dhiibo Nabi
Yuusuf (CS) si uu u badbaadiyo masar iyo wadamada ku hareersan yuusufna waxa uu
yidhi “Ii dhiib furayaasha dhulka oo dhan anigu waan ilaalin aqoon badana waan
u leeyahay” Yuusuf ugamuu jeedi markii uu hadalkaa lahaa in uu ka helo wax
anfaca isaga ama uu ka faa’iidaysto laakiin waxa uu u jeeday in uu umada uga
faa’iideeyo waxana uu doonayay in uu u badbaadiyo dadkaa cuntadooda Totobada
sanadood ee abaarta ah arinka Nabi Yuusuf (CS) waxa uu ahaa in uu ka furto
halista umadaa ku soo waajahday illaahay (SW) waxa uu yidhi “Sidaas ayaan
yuusuf dhulkii ugu suura gelinay” waxa uu noqday yuusuf mid ka masuul ah
khasnadaha iyo dhaqaalah masar oo dhan waxana uu noqday
wasiirka ugu sareeya, mufasriinta qaarkoodna waxay ay sheegayaan in uu
boqorkii yuusuf ku yidhi:- yuusufow anigu talada waxa aan ku leeyahay kursiga
adiguna talada kale, laakiin quraanku meelna noogumuu sheegin sida uu
tasarifayo masar laakiin waxa aanu garanaynaa in uu yuusuf ahaa ninka dhaqalaha
wadanka hayay.
Waxa bilaamay Sanadadi barwaqada ahaa wuxuu riixay sanadba sanad maalinba
maalin bilba bil ilaa la gaadhay sanadadii gaajada iyo abaaraha, taladuna waxay
gacantiisa ku soo uruur tay Nabi Yuusuf (CS)
waa Goobtii labaad ee qaybtan
Qaybta waxa aanu ku soo qaadan doonaa Nabi Yuusuf walaalihii oo abaaruhu ay
soo kaxeeyeyn kana yimi falastiin sida kutubtu tafashiishu sheegayaan iyagoo
doonaya raashin yimina wadanka masar illaahay (SW) isagoo nooga waramaya waxa
uu yidhi “Waxa yimi yuusuf walaaladii wayna u soo galeen isagu wuu gartay
laakiin iyagu may garanayn (58) markii uu u diyaariyay wixii ay siteen waxa uu
yidhi ii keena walaalkiin xaga aabo oo miyaynaad i arkeen anigu sida aan idinku
dhamaystiray miisankii cid lagu soo dagana aniga ayaa u fiicane (59) hadii
aydaan ii keenin waxba idiin miisi maayo idina soo dhowayn maayo (60) waxa ay
yidhaadeen waxa aanu uga warami doona aabihii sidaana waanu yeeli doona (61)
waxa uu ku yidhi inamadii yar yaraa u celiya lacagtoodi oo u dhex geliya
rarkooga waxa laga yaaba in ay gartaan marka ay ku noqdaan reerahoogiye waxana
suura gal ah in ay soo noqdaan” ayadahan sida aynu ka fahmayno waxa la yidhi
Nabi Yuusuf (CS) waxa uu siiyay mid kasta oo ka
mid ah awr rar raashin ah wakhtigasina waxa uu ahaa qofkii aan waxba iibsan
Karin ama aan kaydsan karini mid gaajo u dhinta, Nabi yuusuf (CS) waxa uu uga
jeeday in ay kaga baahi baxaan abaarta dheer ee ka jirta dhulkoogi, Nabi Yuusuf
(CS) walaaladii waxay ay ka soo gudbeen saxare dheer si ay cunto u iibsadaan,
Nabi Yuusuf (CS) waxa uu gartay in ay yihiin walaaladii si dag dag ah laakiin
iyagu may garan waxana ku adkaatay in ay fahmaan waayo waxa ugu danbaysay bari
hore waxayna ka yimaadeen wadan fog oo falastiin ah iyagoo u soo doontay
raashin …. Waxa dhex maratay dood isagoo isku sheegin tirade walaaladii waxay
ahaayeen toban waxana ay wateen 11 awr waxana uu waydiyay yuusuf walaaladii
isagoo adagsanaya mid ka mid ah turjumaanada – isagoo aan adeegsanaya luqadiisi
cimriga ahayd waxa uu yidhi sii mid kasta oo iyaga ka mid ah awr rar cunta ah
…. Waa imisa tiradiinu waxay ay yidhaadeen waxanu nahay kow iyo toban waxa uu
ku yidhi yuusuf turjumaankiisi ku dheh
luqadiinu way ka duwantahay luqadayada qaabkiinuna qabkayga wuu ka duwan yahay
malaa basaasiin ayaad tihiin kolkiiba way u jawaabeen waxayna yidhaadeen
illaahaybaanu ku dhaaranee manihin basaasiin anagu isku wada aabe ayaanu nahay
aabahayna waa oday fiican Yuusuf ayaa waxa uu yidhi waxa aad nagu tirahdeen
waxanu nahay kow iyo toban tiradiinuna waa toban waxay ay ku yidheedeen waxanu
ahayn laba iyo toban walaalaha ah mid ayaa ceel ku dhintay waxana jira inan
kale oo aanu walaalo nahay oo aabahayna jecel yahay mana jeclaydo aabahayo in
uu ka ag fogaado badalkiisana waxanu soo kaxaysanay awrkiisi yuusuf ayaa ku
yidhi sidee ayaan ku ramaysan karaa hadalkiina waxay ku yidhaadeen waxana uu ku
yidhi yuusuf walaalkii ii keena markaas ayaan cuntadiisa siin doonaye anaga
nidaamkayaga ma dhigayo in aan raashin siino cid maqan waxa dhax maray yuusuf
iyo walaaladii dood aad u dheer laakiin waa uu ka ogalaaday in ay markaa awrka
iyo raashinkaba ay ka xaystaan laakiin mar
kale uuna ka yeelayn ilaa ay soo gaxaystaan walaalkood mooyaane iyaguna waxay
ay yidhaadeen waxanu ku qancin doonaa aabihii in uu noo ogalaado.
Waxa halkaa ku dhamaaday qaybtii masar waxana bilaamaysa goob kale oo ah
dhulka Kancaan la yidhaa