Cafimaadka hooyada uurka leh iyo ilmaheedu ay u baahanyihiin.!
Walaalayaal kulanti wacan oo wanaagsan, waxa mahad mudan ilaaha ina abuuray ee inaga abuuray abuuris tii ugu wacnayd, inana siiyey nimcooyin aad u fara badan .
Waxaan jecelahay inaan ka hadlo, waa maxay cafimaadka ay u baahantahay hooyada uurka lehi, iyo ilmaheeduba? hadii ilaahay inagu simo, way badanyihiiin cafiamadka ay u baahantahay hooyada uurka lehi, balse waxaan wax ka taataaban doonaa waxyaabaha aan isleeyahay aadbay u muhiim yihiin waxaanan u kala qaybqaybin doonaa qaybo kala duwan. Waana kuwan! Sidaad ku ogaan kartaa inaad� adiga iyo ilmahaaguba aad cafimaad qabtaan intaad uurka leedahay? Waxaad ku ogaan kartaa inaad tahay hooyo cafimaad leh oo uurkeeduna yahay mid cafimaad qaba sidan. Maxaa looga baaahanyahay hooyada uurka leh inay samayso? Maxaa keena cago bararka? Maxaase looga baahanyahay hooyadu inay samayso markaas? Cagaha oo barara: waxaa sabab u ah cadaadis ilmo galeenka oo saameyn ku yeesha unugyada wareega ee dhiiga oo ka imaanaya laf dheerta lugta , si gaar ah waxa ay yimaadaan bilaha danbe ee Uurka .
marka ay xaaladahan oo kale ay yimaadaan waxaa wanaagsan hooyada Uurka leh in ay yareyso qaadashada waxyaabaha ka sameysan cusbadda ,ln qeybo ka mid ah maalintii ay yara raaxeysato iyadoo dhabar dhabar isku tuureysa gogosheeda sarena u qaadeysa labada cagood
Xanuunada Dhabarka: waa wax iska caadi ah , si xanuunadaasi ay kaaga yaraadaan , waxaad sameysaa howlaha jirdhiska fudud sida Istaag /Fariiso IWM , waxaad isticmaashaa kabaha aad raaxada ka qaadan kartid. Ka fogow inaad qaadid waxyaabo aad u culus.
Hooyada uurka leh iyo dadka kale eek u nool meelaha huurka leh waa inay qataan dawooyinka gooryaanka waayo waxa ku dhici karta dhiiig yaraan, dhiig yaraantuna waxay dhib ku tahay hooyada iyo ilmaha yare e dhalayso.
Maxaa ka dhalan kara dhiiig yaraanta hooyada.?
Hooyada dhiig la,aantu hayso ee uurka lehi waxay khatar u tahay inay dhiciso ilamaha, calaamado jahwareer leh iyo dhimasho ay lasoo daristo marka dhalmada. Caruurta ay dhalaan haweenka dhiigyaradu hayso waxay ku dhashaan culays hooseyn maskax yaraan, heerkooda dhimasho oo sareeya iyo difaaca jirkooda oo liita. Waxa kaloo hoosaynaysa maskaxdooda oo fahankoodu uu yaraanayaa caruurtaas.
Hadaba sidaynu uga kor tagi kartaa dhibtaas.
- in marka ay caruurtu dhalato in la siiyo nuujin waafiya lixda bilood ee ugu horeysa.
Insha Allaah waan sii wadi doonaa waxyaabaha ku saabsan cafimaadka hooyada uurka leh iyo kuwa kaleba.
Wabilaahi tawfiiq.