haweenka-soomaalida-ah-ee-ku-dhaqan-dalalka-yurub-oo-la-soo-baxay-farsamooyin-horle-warbixin.

17/07/2011 10:40

 

 Maxamuud Xashi waxa uu ka midyahay dhalinyarada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Sweden halkaasi oo ay iyana ay ku noolyihiin Soomaali badan waxa uuna iiga sheekeeyay xaalkada Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan ayadoona uu ka muujiyay rajo wanaag mustaqabka iyo waliba hormarka Soomaalida halkaasi ku dhaqan.

Balse Sheekada ayaa intaa ka weyn waxa uuna Maxamuud iiga sheekeeyay dhadooyin la yaab leh oo dalkaasi dhawaan laga wada maqlay taa oo ay xitaa Soomaalida qaarkood ay la yaabanyihiin waxa ayna tahay in haweenka Soomaalida ah ee dalakasi ku dhaqan ay la soo baxeyn muuqaalo kale oo markaasi lagu raadinayo dhaqaalo iyo waliba magac taa oo haatan caado ka noqotay dalkasi.

Si aad u hesho dhaqaalahaasi hadii aad tahay haween maxaa kula gudboon??? !!! Maxamuud oo sheekada ii waday ayaa waxa uu sheegay arintaasi ay ku noqotay isaga qudhiisa mid la yaab leh…. !!! waxaa lagaa rabaa inaad xidhiidh dhow aad la sameysato wiil in muda ah waxaana macquul ah inaad ku guuleysto lacagta oo lagu qiyaasayo in ay dhantahay ilaa 20,000 US Dollar…!!!! maxaa sameyneysaa… waxaad ku balameysaan maalin aqalkaaga adigoo sii war galinaya laanta kuugu dhow ee Police-ka una sheegayo inaad wada kulmeysaan wiil aad tihiin saaxiibo si xaalkaaga ay u sii hayaan waxaana dalkaasi Sweden lagu sheegaa dalalka ugu keydinta badan xogta hooe ee Telefoonada iyo waliba muuqaalada oo ay keydiyaan Police-ka dalkaasi ilaa mudo 1 sano…!!!

Mudo daqiiqado ka dib waxaad dib ula xidhiidhee Saldhiga Police-ka ahaa ee aad goordhaweyd report-kaaga hayay waxaadna u sheegeysaa in wiilkii aad wada kulanteen uu kuula dhaqamay wax ka baxsan anshaxa ama hadii daboolka ka qaado waxaad u sheegeysaa in uu ku xoogay adigoo necbaa in uu sidaa sameyso waxaadna wijigaaga u muujineysaa sida qof laga gardaranyahay….!!!! Qiyaano intaa le,eg waa midii Soomalida ka saartay dalkooda…!! Police-ka ayaa wilka u taxaabaya Xabsiga waxaadna ku heleysaa lacagta aan soo sheegay.!!!

Maxamuud waxa uu ii sheegay in uu usoo joogay ilaa dhowr dhacdo oo ceynkaa oo kal a ha waxaana ay noqotay qaab horle oo ay haweenka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalalka Yurub ay ku doonayaan dhaqaalo ay si fudud ay ku helaan oo loo siinayo raala galin!!!!!!!!!.

Waa dhacdadii ugu yaabka badneed ee dalalka Yurub lagu arko xiliyadaan danbe taa oo ay ka wada fajaceyn Soomaalida waxaana sii yareynsa wada xidhiidhka Somalida wiilasha iyo gabadhaha waana mid inta badan dhalinyarada ay sameyeen oo xidhiid la yeesha gabdhaha kale ee cadaanka.

Dhalinta Somalida ah ee ku dhaqan Sweden ayaa kuu sheegaya in haatan ay ka carar yihiin xitaa hadii ay u yeerto gabar Somali ah oo u baahan in la gargaaro taa naceyb iyo waliba dhaqan xumo u horseegtay Soomaalida waana dhacdo Ugub ah oo ay haweynka Somalida ay ka bilaabeen dalkaasi…