JUX IYO NIN XAMAALI AH.

04/07/2011 14:46

Juxa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo aaday suuqa  si uu u soo iibsado kiish bur ah,  markuu iibsaday kiishkii burka ahaa ayaa wuxuu u yeertay xamaali si uu ugu geeyo gurigiisa .  Juxa markay isi sii raaceen ninkii xamaaliga ahaa,  ayaa waxay soo dhex-mareen meel suuq ah oo ay dadku aad ugu badan yihiin ,  Muddo ka dib juxa iyo ninkii xamaaliga ahaa  ee waday kiishka burka ah ayaa ku kala lumay suuqa dhexdiisi,  inkastoo uu juxa si aad ah u raadiyay ninkii xamaaliga ahaa,  haddana  markii danbe wuu ka quustay  inuu arko wuxuuna iska aaday gurigiisi.

     Maalmo ka dib juxa wuxuu arkay ninkii xamaaliga ahaa, hase ahaate juxa wuu ka dhuuntay xamaaligii .  Qaar ka mid ah  asxaabtii juxa ayaa  su,aalay  sababta uu juxa uga dhuuntay ninka xamaaliga ahaa oo kiishkaagi burka ahaa la maqan,   hase ahaate juxa ayaa ku jawaabay  " waxaan ka baqayaa inuu i waydiisto lacagtii xamaaliga".