Saadaasha iyo Sahanka Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

30/06/2011 14:10

Hordhaca taariikheed ee siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqanaya halgankii ururkii S.Y.L kaasoo hormood u ahaa xornimada dalka Soomaaliya iyo kuwii ka horeeyey ee la dagaalamayey gumeystayaasha reer galbeedka ee dalka Soomaaliya gumaysanayey taariikhdu marna ma iloobayso ururkii S.Y.L waxaannu ognahay in dhallinyaradu mar walba ay yihiin kuwa dalkooda u ah laf dhab una horseeda horumarka saadaashii 21aad ee ka horeysay ururkii S.Y.L iyo tii ka dambaysay waxay ahaayeen kuwa uu gacanta kula jiray gumaystuhu si uu u gaaro danahiisa u gaarka ahi ee uu ka lahaa dalka Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa waddamada dunida ugu fikradaha adag waa dad isku diin ah isku dhaqan ah isku af ah, markaad u fiirsato waddamada Soomaaliya la deriska ahi waxaad arkaysaa inay intaa oo dhami ay ku kala duwan yihiin, waxaa ka dambeeyay 21kii sano ee ay dowladdii Kacaanka ahayd waddanka gacanta ku haysay oo 10kii sano ee hore la oran karo waxay gaartay guulo badan.

 

Haddaba, marka laga soo bilaabo sanadkii 1991kii ayaa soomaaliya waxaa bilowday bog cusub ee siyaasadeed kaasoo ku bilowday wejigii horeba looga soo shaqeeyey ee ahaa in Soomaaliya laga abuuro ummad aan isku diin ahayn isku dhaqan ahayn isku afna ahayn maanta oo aan ku jirno saadaashii 21aad ee ah dagaal iyo dhiig qubanaya 21 sanadood oo aan weli xal loo helin siyaasadeeduna ay noqotay mid majara habow ku socota soomaaliya maxaa u xal ah? su'aashani waxaad moodaa inay jawaabteedu aad u sahlan tahay laakiin waxaa garan kara oo keliya maskax fayow oo caafimaad qabta, soomaaliya xalkeedu waa Kitaabka alle iyo in Ilaahay cafis la weydiisto xabbad iyo dhiig la daadiyo xal laguma keeni karo tanaasul iyo is xaq dhowrid ku dhisan caqli ,Guddoomiye Baarlamaan , Xildhibaan Madaxweyne, R/Wasaare, Wasiir haddii la waayo maxaa ka dhallan kara qof waliba waa uu garan karayaa Soomaaliya iyo xaalladda murugsan ee maanta ay ku sugan tahay iyo waxay tahay oo ay tusaalena u noqotay burbur iyo barakac.

 

Maxaa la gudboon siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya xukunka aanan waxba u harsanayn ee gabaabsiga ah? tusaale markii aannu u soo qaadano R/Wasaare Cali Maxamed Geedi markuu ay dowladiisii fashilka ku dhacday wuxuu la yimi tanaasul iyo is casilaad, dowladii Mudane R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen wuxuu la yimi tanaasul markii la kulmay urukii la oran jiray Dib u Xoraynta Dalka, Dowladii Mudane R/Wasaare Cumar C/Sharmarke wuxuu la yimi tanaasul iyo casilaad markii ay dowladiisii loo diiday inay awoodeeda gaarsiiso dhammaan gobolada dalka oo dhan isla markaana baabi'so magaca KMG ah lana heshiiso mucaaradka ka soo horjeeday ayuu Madaxweynuhu kaga hor yimi dhammaan arimhaasi kuna kalifta R/Wasaaruhu inuu iska casilo xilkii uu dalka u hayey taasina waxaa mas'uuliyadeeda lahaa Madaxweynaha.

 

Shirarkii nairobi iyo kii Kambala maxay ku kala duwan yihiin? waxaa nasiib darra ah oo shacabka Soomaaliyeed ay horumar iyo heshiis ay la gaari weyday waa tanaasul la.aanta taagan 21-sanadood oo siyaasi walba kan kale uu ku noqday laf dhuun gashay waxaa intaa ka sii darran iyadoo siyaasadda dalka loo adeegsanayo arrimo dhaqaale la xidhiidha haddii aannu tusaale u qaadano Madaxweynaha Ugandha oo ku hanjabaya in uu Ciidamadiisa uu kala soo baxayo dalka Soomaaliya haddii aanan Dowladda aan loo kordhin xilligga KMG taasina ay tahay mid uu doonayo inay Ciidamadiisu sii qaataan lacagaha adag ee ay bixiyaan hay'adaha dunida caalamka ee Soomaaliya siiya deeqaha

Shirarkii nairobi waxaa laga yaabaa inay ku wajahnaayeen xilligga kala guurka iyo sidii dalka nabadiisa loo sugu lahaa iyo goobtii iyo waqtigii shirka uu ka dhici lahaa laakiin waxaa isku fahmi waayey hay'adda qaramada midoobay iyo DFKMG ahi laakiin waxaa isla gartay Baarlamaanka oo ah hay'adda ugu saraysa Xukunka Dalka Soomaaliya iyo

Hay'adda Qaramada Midoobay waxaana haboon in mar walba ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ogaadaan in Guddoonka Baarlamaanka Dalku uu yahay Hay'adda ugu Saraysa ee Sharci dejinta ee Dalka Soomaaliya awoodna ay u leeyihiin Dib u Heshiisiinta Dalka iyo soo diyaarinta Xilligga kala guurka iyo doorashooyinka waqtiyadooda.

 

Gabagabadii iyo faalladan ku saabsanayd Saadaasha iyo Sahanka Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaan ku soo koobayaa, waxaa lagama maarmaan ah in mar walba si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ay haboon tahay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay isu tanaasulaan si loo gaaro maslaxad caam ah, sababtoo waddamo fara badan oo dunida ka mid ah ayaa Soomaaliya ka dib burbur ku dhacay maantayna nabad ah waxaan mana laga maar mayn in la xaq dhowro Guddoonka Baarlamaanka ee Dalka Soomaaliya oo ah Hay'adda ugu Saraysa ee awoodda Dalka Soomaaliya la'aanteedna aysan suurtagal noqonayn in Soomaaliya Dib u Heshiisiinteeda looga hadlo meel aysan goob joog ka hayn, Soomaaliyeey u soo noqda Soomilnimadiinii oo ka tashada aayihiina halka ay maalin walba kuwa dana gaar ah lihi idinku hoggaansanayaan Dalakooda.