YAA DARAN.

04/07/2011 14:49

Nin ayaa wuxuu u tagay dhaqtar wuxuuna ka codsaday inuu raaci si u wax uga qabto xaaskiisa oo xanuusan,   isagoo sidoo kale  u sheegay dhaqtarka in xaaskiisu waalan tahay. Dhaqtarkii ayaa ku yiri " sideed ku ogtahay inay  xaaskaagu waalan tahay?" Ninkii ayaa yiri " waxay doonaysaa inay soo iibsato neef ari ah " Shaqtarkii oo yaaban ayaa yiri " oo maxaa ku jaban haddey soo iibsato" 

Nikii aad  ayuu uga xanaaqay hadalka dhaqtarka  wuxuuna u qaatay in dhaqtarku ku jeesjeesayo, wuxuu yiri " waxay doonaysaa inay ku xanaanayso qolka jiifka" Dhaqtarkii ayaa isna yiri " iska dhaaf ha ku xanaanaysee"  Ninkii ayaa yiri "hawada qolka ayaa xumaanaysa"  Dhaqtarkii  ayaa yiri " daaqadaha iska fur"  Ninkii ayaa ugu jawaabay  2 waxaan ka baqayaa inay qoolaydu iga baxsato" Dhaqtarkii ayaa yiri " xaggey ka imanaysaa qoolayda aad sheegaysaa?"  Ninkii ayaa yiri "sariirta hoosteeda ayay ku jirtaa, oo aan mudaba ku barbaarinayay"!   Dhaqtarkii ayaa yiri " Hadaba labadiina yaa daran".