BOOQASHO FAA´IDO LEH

 BOOQASHO FAA´IDO LEH

Hadii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay xoriyadu leedahay, waxaad booqataa xabsiga nolashaada mar.
 
Hadii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay dabeecada wanaagsani leedahay , waxaad booqataa maxkamada sanadkiiba mar.
Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha ay nolushu leedahay,  waxaad booqata qubuuraha lixdii biloodba mar.
 
Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha caafimaadku leeyahay, waxaad booqata isbitaalka bishii mar.
 
Hadii  aad doonaysid inaad garato qiimaha ay quruxdu leedahay, waxaad booqata beeraha todobaadkii mar.
 
Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha uu caqligu leeyahay, waxaad booqataa maktabadaha maalintii mar.
 
Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha ay nicmada noloshu leedahay, waxaad  (Xusuusataa) Eebaha mar walba.