Gabadha uu dhalay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo jacayl u qaaday Abuu-Mansuur

 .

Gabadha uu dhalay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo jacayl u qaaday Abuu-Mansuur

Font size: Decrease font Enlarge font
imagemaqaal.com

 

Warar xog ogaal ah oo aan ka helay ilo ku dhow dhow qoyska madaxwyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegaayo in ay mid ka mid ah gabadhaha uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ay jaceyl aad ula il darantahay ay u qaaday kana heshay hogaamiyaha duur jooga ah ee Ururka Al-shabaab ahna afayaheenkooda Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur Ruubow

Gabadhan Jaceylka sida aadka ah ula il daran ayaa waxey sheegtay in ay ku jeclaatay wadaadkan qaabka uu go'aanka u qaaato iyo geesinimadiisa waxayna sheegtay in ay aad ula socotay Abuu Mansuur tan iyo markii uu Maxkamadaha kusoo biiray waxayna intaaas raacisay in uu wadaadku yahay mid haneed qurxoon kaasoo dabooli karo baahideeda ay u qabto lamaane caashaqa oo hana kara qalbigeeda waxayna sheegtay in ay diyaar u  tahay in ay Abuu Mansuur kula noolaato Juqda iyo rasaasta hoosteeda ayna sidoo diyaar u tahay in ay ka garab dagaalami doonto haddii uu ogaalado jaceylka aan shaqada ku laheen khilaafka ka dhex jira asiga iyo aabaheeda

Gabadhaan oo ku nool dalka Canada oo ah gabar wax ka barata Mid ka mid ah Jaamacadaha Dalka Canada ayaa waxay suratay  sawir weyn oo uu leeyahay Abuu Mansuur qolka ay jiifato waxayna u sheegtay ehelkeeda in aysan sii wadi karin waxbarashada haddii aysan helin qofka ay jeceshahay Waxayna qoyskeeda ka codsatay in ay wax walbo u sameyaan sidii ay ku heli laheed nin ay jaceylka adag u qaaday, Abuu Mansuur oo la ogsoon yahay sida uu uga soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo gabadhan aabaheed ayidoo haddii ay dhacdo in uu arko midba midka kale ay xabaddu ka dhaxeyso waxaana intaas sii dheer in uu Abuu Mansuur aaminsan yahay gabadhaan aabaheed in uu yahay Mujrim. 
 

Qaar ka mid ah qoyska Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxay ka codsadeen gabadhaan inay iska hilmaamto sheekadaan maadaama haddii lagu maqlo arinkan ay sheegeen laga yaabee in aabaheed Cabdulaahi Yuusuf  ay Macquul tahay in uu iska casilo xilka madaxtinimada Soomaaliya isna dilo ama uu iyada   qoorta ka jaro maamadama uusan Cabdulaahi Yuusuf aqbali doonin in ay gabadhiisa jeclaato ragga uu adduunka ugu neceb yahay ayigoo sheegay in ay wax ka qaban kari lahaayeen haddii uu ahaan lahaa qofka ay jeceshahay Sheekh Shariif maadama uu yahay nin qunyar socod ah lana heshiiyay Cabdulaahi Yuusuf  waxayna ka codsadeen in ay ka fogaato ragga Al-shabaab ah maadama ay ku yihiin cadow maamulka Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.

Arintaan ayaa noqtay arin ka yaabisay Soomaalida ku nool dalka Canada waxeyna  dad badani ay sheegeen in haddii gabadha Cabdulaahi Yuusuf ay guursato Jaceelkeeda Abuu Mansuur laga yaabo raggaan is neceb in ay gabaru isu soo dhaweyso oo ay xidid noqdaan arintaas oo wax badan kusoo kordhin karto nabad Soomaaliya  halka dadka qaarkiisna ay sheegeen in aysan rajo ka qabin in ay is helaan mucaashaqiintaan ayigoo sabab uga dhigay Abuu Mansuur in uu yahay nin kasoo jeedo marka hore qabiil aysan guursan beesha Cabdulaahi Yuusuf hadane uu yahay shaqsi wanted ah oo adduunka dhan uu raadsanaayo