Blog

Maxay tahay Caqabadda hortaagan Siyaasadda Dalka Soomaaliya?

30/06/2011 14:15

 

Hordhaca siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga iftiinsan karaa in uu

ku socdo xaalad aad u murugsan oo cabsi iyo uur ku taallo leh, sababtuna ay

tahay dagaallada iyo dhiigga qubanaya, gaajada , abaaraha, cudurada ,barakaca,

tahriibka, tarxiilka,  qaxa iyo qaxootinimada, intaa waxaa sii dheer gulufaha

siyaasadeed ee dhexyaala madaxda sare ee DFKMG iyo is aamin darrada ka dhex

muuqata nidaamyada dowliga ah ee uu dalku ku dhisan yahay iyadoo uu Baarlamaanku

uu hore cod buuxa oo kalsooni ahi uu ugu qaaday in dalka lagu xukumayo

Shareecada Islaamka iyadoo horena uu Baarlamaanku u soo dejiyey axdiga KMG ah ee

dalka lagu maamulayo, taasoo aysan iska hor imaanayn oo macnaheedu yahay in

gobolada dalka aan waxba lagu kordhinayn lagana dhimayn maamulkooduna lagu

midaynayo dowladda dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

Haddba waxaa is weydiin mudan xagee buu ka yimi qodobkani ah (4.5) four point

five, waxaa hubaal ah in qodobkani uu yahay caqabadda siyaasadeed ee shacabka

soomaaliyeed hortaagan 21ka sanadood dalkuna uu la degi waayey, barnaamijkani

waxaa abuuray saraakiil sare oo ka tirsan IGAD iyo dunida caalamka oo qorshe

siyaasadeed ka watay dalka Soomaaliya taasina way u hirgashay, waxaanna ka mid

ahaa (a) kala goynta gobolada dalka Soomaaliya oo loo kala jarjaray maamul

goboleedyo uu mid waliba Madaxweyne loo sameeyey, (b) qorshihii lagu dhacayey

xudduudaha xeebaha dalka Soomaaliya (c) abuurista xoogga mucaaradka diimeed ee

aan xadka lahayn (d) keenista ciidamada shisheeye oo wax u dhimaya dhaqaalaha

dalka Soomaaliya oo horeyba u burbursanaa  iyo iyagoo xasuuqna sii gaysanaya

habeen iyo maalinba (e) Burcadbadeeda oo naftooda oo keliya u adeegta dal iyo

dadna aan u danaynayn intaa iyo in ka badani ayaa waxay caqabad ku yihiin

horumarka siyaasadda dalka Soomaaliya oo aad u cakiran.

 

Siyaasadda dalku waxay ku socotaa jahawareer aan jid lahayn, is fahmi la'aan aad

u weyn oo mar waliba soo kala dhexgalaysa madaxda ugu saraysa dalka taasi oo

macnaheedu yahay in aysan jirin wax kala dambayn ah iyo isu tanaasulid waxaysan

dib u eegayn dhaartii ay mareen iyo dhibaatada baaxadda weyn ee haysata shacabka

Soomaaliyeed meel waliba oo ay maanta dunida qaxooti kaga yihiin, madaxda sare

ee dalku miyey iloobeen ballantii ay qaadeen inay shacabka badbaadinayaan waa

kuwan Ciidamo shisheeye u doonanaya oo ku xasuuqaya magaalooyinka waaweyn oo ay

Muqdisho ka mid tahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo gaajaysan oo barakacsan oo

cabsi weyni ay haysato iyagoo ku sugan dhulkoodii hooyo in lagu gumaysto waa

arrin tiiraanyo leh oo taariikhda ma guuraanka ah ee dalka Soomaaliya baal mugdi

aha kaga qoran.

 

Baarlamaanka FKMG ahi ee Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in uu mar waliba u kala

jabayo labada qaybood oo kala raacaya madaxda sare ee khilaafka siyaasadeed uu u

dhexeeyo taasina waxay abuuraysaa in uu cirka isku sii shareero "khilaafka

siyaasadeed ee booc ku kutubka"ahi, dowlad walbaa oo la soo dhisana aysan waxba

qaban karin

 

waqtigeediina uu ku dhammaanayo khilaaf iyo muran siyaasadeed, taasoo inta

badani salka ku haysa dano gaar ahaaneed , arrimo dhaqaale, dowlado shisheeye

danahood iyo awood qabiileed oo si dadban loo adeegsanayo, tan iyo intii ay

burburtay dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya 1991kii weli lama hayo dowlad ku

guulaysatay inay dalka nidaamkii iyo kala dambayntii uu dalka lahaan jiray ku

soo celiso, taasina waxaa ugu wacan murunka iyo caqabadaha siyaasadeed ee mar

waliba horyaala madaxda dalka.

 

Dagaalladu wax guul ahi miyaa laga sugayaa? su'aashani jawaabteedu qof waliba oo

caqli lihi waa uu garan karayaa dagaal guul ma laha, dhiigga qubanaya 20 ka

sanadood waa caqli darro maallin waliba waxaad maqlaysaa 120 ruux oo rayd ahi

ayaa dhimatay 300 rayd ahina waa dhaawac intaa waa dad Soomaaliyeed muxuu

walaalkii u dilayaa waa khilaaf siyaasadeed ama awood iyo kursi doon, waxaa

dagaalka ka wanaagsan in lagu bedelo wada hadal iyo is faham siyaasadeed oo

dhammaan dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeedaa ay ku heshiiyaan xabbad joojin

deg deg ah si loo badbaadiyo dhiigga dadka raydka ahi ee  qubanaya iyo weliba

iyagoo la xasuuqayo maallin walba.

 

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd maxay tahay caqabadda hortaagan

siyaasadda dalka Soomaaliya? ayaa waxaan ku soo koobaya dagaallada aan joogsiga

lahayn ee Dalka ka jira, khilaafka siyaasadeed iyo awood qaybsiga ee madaxda

sare ee dalka ayaa ah arimaha ugu waaweyn ee lagu tilmaami karo inay caqabad ku

yihiin siyaasadda

 

Dalka Soomaaliya, waxaanna lagama maarmaan ah in miiska wada hadalada lagu

laabto si loo dhamaystiro dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya oo noqotay ma

dhammaato

 

dhinacyada isku haya siyaasaddana ay la yimaadaan tanaasul iyo is faham haddii

intaa la waayana waxaa hubaal ah in dagaallada iyo colaaduhu ay ku fidayaan

dhammaan gobolada dalka oo dhan oo hadda qaarkood ay waxoogaa nabad ahi ay ka

jirto, xalku waa u noqoshada Kitaabka alle ee xalku ma aha qodobka IGADee

(4.5)four point five.

 

Faalladani waxaan ku lifaaqayaa codsi xabsi ka siiddayn deg-deg ah oo si toos

ahi ugu socda dhammaan madaxda sare ee DFKMG ah iyo madaxda mucaaradka ee

Soomaaliya dagaalladani ayaa waxay abuureen in dad fara badani ay u kala xiran

yihiin labada dhinac ama dad fara badani loo hasyto si aan sharci ahayn oo aan

Maxkamad la horkeenin muddo imminka ka badan 2-sanadood iyadoo ay inagu soo

beegan tahay ciidda weyn ee "Ciidul Adhxa"waxaan codsanaynaa in dadkaa

Soomaaliyeed Xabsiyada laga siidaayo xoriyadoodiina loo soo celiyo, si iyagoo

faraxsan ay ula ciidaan eheladoodii ay is mooganaayeen muddooyin aad u dheer,

sidoo kale waxaannu codsanaynaa in la siidaayo dhammaan la haystayaasha

ajaanibka ah ee Soomaaliya lagu haysto si loo daryeelo xuquuqda Aadanaha iyagoo

amni ahna waddamadoodii loogu celiyo sida ay Diinteena muqadaska ahi.

Maqaal xiiso badan

30/06/2011 13:46

 

DARUURTA IYO ROOBKA NOO DA'AYBAAN DADKAYOW UDABAAL DAGAYNAA‏

 

 

 

Heshiisyada   nabadeed iyo isbadalada ka socda dawlad deegaanka soomaalida waa kuwo rajo ku beeraya muwaadinkasta oo ka soo jeeda dhulkaasi, waa wax lagu farxo in jabhadihii degta ku sitay qoriga ay si nabadeed ku dhexjoogaan dalkooda iyo dadkooga iyaga oo kala shaqaynaya sidii dawlad deegaankeena uga hirgali lahayd nolol la isku halayn karo.
 
Waxa ay meel ku leedahay dhaqankeena iyo diinteena inaan udamaashaadno barwaaqada iyo xili roobaadka inaga oo ilaahay ku mahadinayna taasi oo isku keeni jirtay dadka ay abaartu kala irdhaysay iyaga oo xiligaasi aan wakhti isu heli jirin. dabcan waa lagu samraa dhibaatada iyo mushkiladaha balse nimcada Alle iyo isbadalada ayaan noqon karin kuwo uu qofku qarsan karo taasi oo sida ay sheegeen xeeldheerayaasha amuuraha islaamku ay noqon karto mid geesmar ku ah diinteena, waxa laga hayaa nabi muxamed S.c.W inuu yidhi ilaahay waxa uu jecelyahay in adoonkiisa ay ka muuqato raadka deeqdiisu. waa mid aan hadal ka taagnayn in la gaadhay xiligii aan si wadajir ah ugu damaashaadi lahayn bilawga cusub iyo wajiyada nabadeed ee deegaankeena. waxan leehanay daruurta iyo roobka noo da'aybaan dadkayoow udabaal dagaynaa!


Dhawkii sano ee la soo dhaafay waxa uu horumarka dalkeenu la dhutiyay mashaakil ka jiray gudaha dalka iyo dibada kuwaasi oo haatan rabi laga baryi in baaqiga haray uu tusiyo jidka iyo samaha bulshada dawlad deegaanka soomaaliyeed.
 
Isbadalada haatan ka jira deegaanka sida kuwa laga  sameeyay dhinaca maamulka waa hanaan wanaagsan oo  fursad u ah dhamaan danaha bulshadeena waxana la gudboon indheergaradka aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada dal iyo dibad in si wadajir ah loogala shaqeeyo dawlada danta guud ee umadeena inaga oo meel iska dhigayna dano shakhsiyeedka iyo shakhsi jacaylka


Waxa la gudboon shacabkeena iyo hogaanka dawladeena cusub sidii ay si wada jir ah uyeelan lahaayeen shaqo wadareed "Teamwork"  ku dhisan xilkasnimo wadaniyad iyo karti si aan u xaqiijino xuquuqaheena dastuuriga ah... waana wax lagu farxo oo udhacay hanaan lagu kala calaf qaaday doorasho isbadaladii ku yimi maamulka waana markii u horaysay ee taariikhda deegaankeena si niyadsami ah oo bisayl ah la arko masuuliyiin si wadajir ah isugu bogaadinaya xilalka, waxan ka fili shacabka inay mahadiyaan waxqabadkii mudada dheer soo jiray ee uu la yimid madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali sida hirgalintii hanaanka anshaxa shaqada iyo shaqaalaha sido kale halgankiisii dhinaca aqoonta ku dhiirigaliyay boqolaal shaqaale ah oo xeerjajab iyo shahaado  been abuur ah ku shaqaynayay
 
Dawladan Cusub oo ah dawlad nabadgalyo waxa rajo wayn laga qabaa in shacabku si iskiis ah uu ugu dhiiranyahay sidii uu usii xoojin lahaa nabadgalada si loo dardar galiyo horumarka 
 
Waxan shaki ku jirin in umad isu dan ah ayna marnaba fashilmayn hadii ay uguntadaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda, waxa lagu xaqiijin karaa amuuraha noocaas ah marka ay isla jaanqaadaan shakhsiyaadka bulshada hormoodka u ah sida hogaaminta siyaasiga ah aqoonyahanada ardayda cuqaasha iyo suugaanlayda iyo dabcan qaybaha muhiimka ah ee bulshada
 
Waxan ilaahay uga baryaynaa in xilka uu ku asturo madaxwaynaha cusub shacabkiisuna ku garab galo sidii danta guud loo xaqiijin lahaa
 
waxan gabagabadii umahadnaqayaa wasiirka warfaafinta deegaanka soomaalida oo runtii si wanaagsan udhisay ra'yal caamka bulshadeena ee dal iyo dibad isaga oo si wanaagsan qalbiyadooda si casri ah usoo jiitay......... waxana usii rajaynaynaa in bulshada gudaha uu si wanaagsan ugu sii muujiyo haan bisayl iyo wacyi galin..............
 

 

Tags

The list of tags is empty.

 

Saadaasha iyo Sahanka Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.


PrintPDF

Hordhaca taariikheed ee siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqanaya halgankii ururkii S.Y.L kaasoo hormood u ahaa xornimada dalka Soomaaliya iyo kuwii ka horeeyey ee la dagaalamayey gumeystayaasha reer galbeedka ee dalka Soomaaliya gumaysanayey taariikhdu marna ma iloobayso ururkii S.Y.L waxaannu ognahay in dhallinyaradu mar walba ay yihiin kuwa dalkooda u ah laf dhab una horseeda horumarka saadaashii 21aad ee ka horeysay ururkii S.Y.L iyo tii ka dambaysay waxay ahaayeen kuwa uu gacanta kula jiray gumaystuhu si uu u gaaro danahiisa u gaarka ahi ee uu ka lahaa dalka Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa waddamada dunida ugu fikradaha adag waa dad isku diin ah isku dhaqan ah isku af ah, markaad u fiirsato waddamada Soomaaliya la deriska ahi waxaad arkaysaa inay intaa oo dhami ay ku kala duwan yihiin, waxaa ka dambeeyay 21kii sano ee ay dowladdii Kacaanka ahayd waddanka gacanta ku haysay oo 10kii sano ee hore la oran karo waxay gaartay guulo badan.

 

Haddaba, marka laga soo bilaabo sanadkii 1991kii ayaa soomaaliya waxaa bilowday bog cusub ee siyaasadeed kaasoo ku bilowday wejigii horeba looga soo shaqeeyey ee ahaa in Soomaaliya laga abuuro ummad aan isku diin ahayn isku dhaqan ahayn isku afna ahayn maanta oo aan ku jirno saadaashii 21aad ee ah dagaal iyo dhiig qubanaya 21 sanadood oo aan weli xal loo helin siyaasadeeduna ay noqotay mid majara habow ku socota soomaaliya maxaa u xal ah? su'aashani waxaad moodaa inay jawaabteedu aad u sahlan tahay laakiin waxaa garan kara oo keliya maskax fayow oo caafimaad qabta, soomaaliya xalkeedu waa Kitaabka alle iyo in Ilaahay cafis la weydiisto xabbad iyo dhiig la daadiyo xal laguma keeni karo tanaasul iyo is xaq dhowrid ku dhisan caqli ,Guddoomiye Baarlamaan , Xildhibaan Madaxweyne, R/Wasaare, Wasiir haddii la waayo maxaa ka dhallan kara qof waliba waa uu garan karayaa Soomaaliya iyo xaalladda murugsan ee maanta ay ku sugan tahay iyo waxay tahay oo ay tusaalena u noqotay burbur iyo barakac.

 

Maxaa la gudboon siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya xukunka aanan waxba u harsanayn ee gabaabsiga ah? tusaale markii aannu u soo qaadano R/Wasaare Cali Maxamed Geedi markuu ay dowladiisii fashilka ku dhacday wuxuu la yimi tanaasul iyo is casilaad, dowladii Mudane R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen wuxuu la yimi tanaasul markii la kulmay urukii la oran jiray Dib u Xoraynta Dalka, Dowladii Mudane R/Wasaare Cumar C/Sharmarke wuxuu la yimi tanaasul iyo casilaad markii ay dowladiisii loo diiday inay awoodeeda gaarsiiso dhammaan gobolada dalka oo dhan isla markaana baabi'so magaca KMG ah lana heshiiso mucaaradka ka soo horjeeday ayuu Madaxweynuhu kaga hor yimi dhammaan arimhaasi kuna kalifta R/Wasaaruhu inuu iska casilo xilkii uu dalka u hayey taasina waxaa mas'uuliyadeeda lahaa Madaxweynaha.

 

Shirarkii nairobi iyo kii Kambala maxay ku kala duwan yihiin? waxaa nasiib darra ah oo shacabka Soomaaliyeed ay horumar iyo heshiis ay la gaari weyday waa tanaasul la.aanta taagan 21-sanadood oo siyaasi walba kan kale uu ku noqday laf dhuun gashay waxaa intaa ka sii darran iyadoo siyaasadda dalka loo adeegsanayo arrimo dhaqaale la xidhiidha haddii aannu tusaale u qaadano Madaxweynaha Ugandha oo ku hanjabaya in uu Ciidamadiisa uu kala soo baxayo dalka Soomaaliya haddii aanan Dowladda aan loo kordhin xilligga KMG taasina ay tahay mid uu doonayo inay Ciidamadiisu sii qaataan lacagaha adag ee ay bixiyaan hay'adaha dunida caalamka ee Soomaaliya siiya deeqaha

Shirarkii nairobi waxaa laga yaabaa inay ku wajahnaayeen xilligga kala guurka iyo sidii dalka nabadiisa loo sugu lahaa iyo goobtii iyo waqtigii shirka uu ka dhici lahaa laakiin waxaa isku fahmi waayey hay'adda qaramada midoobay iyo DFKMG ahi laakiin waxaa isla gartay Baarlamaanka oo ah hay'adda ugu saraysa Xukunka Dalka Soomaaliya iyo

Hay'adda Qaramada Midoobay waxaana haboon in mar walba ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ogaadaan in Guddoonka Baarlamaanka Dalku uu yahay Hay'adda ugu Saraysa ee Sharci dejinta ee Dalka Soomaaliya awoodna ay u leeyihiin Dib u Heshiisiinta Dalka iyo soo diyaarinta Xilligga kala guurka iyo doorashooyinka waqtiyadooda.

 

Gabagabadii iyo faalladan ku saabsanayd Saadaasha iyo Sahanka Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaan ku soo koobayaa, waxaa lagama maarmaan ah in mar walba si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ay haboon tahay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay isu tanaasulaan si loo gaaro maslaxad caam ah, sababtoo waddamo fara badan oo dunida ka mid ah ayaa Soomaaliya ka dib burbur ku dhacay maantayna nabad ah waxaan mana laga maar mayn in la xaq dhowro Guddoonka Baarlamaanka ee Dalka Soomaaliya oo ah Hay'adda ugu Saraysa ee awoodda Dalka Soomaaliya la'aanteedna aysan suurtagal noqonayn in Soomaaliya Dib u Heshiisiinteeda looga hadlo meel aysan goob joog ka hayn, Soomaaliyeey u soo noqda Soomilnimadiinii oo ka tashada aayihiina halka ay maalin walba kuwa dana gaar ah lihi idinku hoggaansanayaan Dalakooda.